Maleeshiya: Faahfaahin ka soo baxday nin Ciraqi ah ”oo jaceyl dartiis” u dilay gabar Soomaali ah

CIRAAQ – (WARSOOR) – Faah-faahin dheeeri ah ayaa ka soo baxaysa dil Axaddii dalka Malaysiya loogu gaystay Allaha u naxariistee gabar Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Dahabo Cumar,

Waxaana soo baxaya warar kala duwan oo qaarkood sheegaya in nin u dhshay dalka Ciraaq oo qaxooti ku ah dalka Malaysiya oo ay gabadha meel ka wada shaqeynayeen uu dilka gaystay. Balse mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysiya ayaa iyaguna sheegaya in booliska dalkaas oo kiiskaan gacanta ku haya aysan bixin xog badan marka laga reebo inay u sheegeen in la qabtay ninka dilka gaystay oo uu xiran yahay isla markaana ay wadaan baaritaanno lagu oggaanayo sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen.

Amal Maxamed Siciid oo ah qunsulka Safaaradda dowladda Soomaaliya ay ku leedahay dalkaasi ayaa BBC-da u sheegtay in warar kale oo ay helleen ay sheegayaan in ninka gabadha dilka u gaystay uu ka dalbaday xiriir guur hase-yeeshee ay arrintaa ka diiday taa oo loo malaynayo inuu sababay falka dilka ah.

“Xogaha kale ee aan helayno waxay sheegayeen yarkii gabadha dilay inuu xiriir ka dalbaday isla markaana uu guursanayo balse ay ka diiday markaana uu dilay oo mindi ku dhuftay, “ayay tiri Amal Maxamed Siciid.

Sidoo kale qunsulka Safaaradda dowladda Soomaaliya ee dalka Malaysiya ayaa sheegtay in dadkii saaxiibbada la ahaa gabadha geeriyootay iyo xubno ka mid ah ehelkeeda oo ay la xiriireen ay u sheegeen in gabadhu ay horey dhowr jeer u sheegtay in ninka hadda u xiran dhacdadaan uu ugu hanjabay inuu dili doono maadama ay dalabkiisii diiday.

Maydka Dahabo Cumar ayaa hadda yaalla Cusbitaal ay dowladdu leedahay waxaana madaxda safaaraddu ay xaqiijiyeen in aan la aasi doonin ilaa iyo inta laga soo gabagabeynayo baaritaannada ay wadaan boolisku. “Xog ku filan marka ay naga siiyaan ayaa aaska marxuumadda laga howlgalayaa,” ayay tiri qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Malaysiya.

Amal Maxamed Siciid ayaa sidoo kale sheegtay in safaaradda Soomaaliya kaalinteedu ay tahay inay xoogga saarto hadda sidii gabadha geeriyootay ay caddaalad u heli lahayd ninka la sheegay inuu dilka gaystana loo marsiin lahaa waxa uu sharcigu ka qabo. Waxay intaa ku dartay in arrintaa si gaar ah safaaraddu ugu xil saartay diblumaasiyiin iyo guddoomiyaha ururka qaxootiga Soomaalida ee dalkaasi.

Xigasho: BBC SOMALI