Magacyada Duuliyeyaashii Diyaaradihii Duqeeyey Hargaysa 1988

Xigmad uu reebay madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Mandela ayaa ahayd” Forgive, but never forget their names”, oo nuxur ahaan noqonaysa, in cadowgii dhibta kuu geystay aad saamixi karto, hasayeeshee aanad magacyadood iloobin. Waxa nasiib wanaag ah inuu maalimahan Hargaysa uu ku sugan yahay mudane Axmed Maxamed Maxamuud ‘Axmed dheere’, oo damiirkiisu siin waayey inuu xasuuqo dad maati ah oo qaxayey ama goobo ay ku qaxeen ku sugnaa. Axmed Dheer wuxuu go’aansaday oo uu doorbiday inuu la fakado diyaaraddii uu waday oo ahayd Miig 17, uu 13 Juulay 1988 uu si geesinimo leh ugu dejiyo xeebta Jabuuti. Go’aankaa uu qaatay Axmed dheer wuxuu noqday mid taariikhda shicibka Soomaalilaan baal dahab ah kaga suntan. Waxaanu adduunka u caddeeyey in xasuuqdii shicibka Hargaysa lagu hayey uu ka markhaati kacay.

Abaalkaasi uu shicibka Hargaysa gashaday Axmed Dheere waa kaa sannad kasta oo uu Hargaysa yimaado casuumado iyo soo dhaweyn aan kala go’ lahayn uu kala kulmo shicibkii uu ka badbaadiyey gantaalihii ay siday diyaaradii loo dhiibay ee soo laa lagu yidhi. Madaxdii duuliyeyaasha amraysay ee Hargaysa u soo wareegay waxa ay kala ahaayeen: Khaliif Ciise Yuusuf (Majeerteen) taliyihii ciidanka cirka Ballidoogle. Faarax Siciid (Majeerteen) taliyihii ciidanka cirka Hargaysa. Maxamed Aadan Dirir (Mareexaan) taliyihii ciidankii cirka Berbera.

Magacyada Duuliyeyaashii Hargaysa Duqeeyey
= Yuusuf Maxamuud Maxamed (Majeerteen)……Duuliye Miig 17
= Mursal Xaaji Axmed ‘Muufo’ ( Abgaal)………….Duuliye Miig 19
= Maxamed Xasan Raage (Xawaadle)……………….Duuliye Miig 19
= Xuseen Aadan Ibraahin (Gadabuursi)…………….Duuliye Miig 19
= Axmed Gurxan Hoore ( Ogaadeen)………………Duuliye Miig 19
= Maxamed Axmed Xaayow (Abgaal)……………..Duuliye Miig 19
= Xirsi Maxamed Faarax (Mareexaan)………………Duuliye Miig 19
= Axmed Maxamed Maxamuud ( Mareexaan)…….Duuliye CESNA
= Suufi Jeylaani Maxamed (Barawaani)……………..Duuliye CESNA
= Faarax Xaaji Salaad (Majeerteen)…………………..Duuliye CESNA
= Yuusuf Juseeb ( Majeerteen)……………………….Duuliye CESNA
= Xasan Yare (Ogaadeen)…………………………….Duuliye CESNA
= Maxamuud Xaaji Warsame (Dhulbahante)……….Duuliye Hunter
= Maxamed Khaliif Isaaq (Raxamweyn)…………….Duuliye Hunter
Intii ku dhimatay intii ay duqeynta wadeen ee gantaal Eebbe ku dhacay oo cillad farsamo darteed u dhacday waxa ay kala ahaayeen:
= Maxamed Xasan Raage (Xawaadle)……………….Duuliye Miig 19
= Xuseen Aadan Ibraahin (Gadabuursi)…… ………Duuliye Miig 19
= Axmed Gurxan Hoori (Ogaadeen)…………………Duuliye Miig 19
= Maxamed Axmed Xaayow (Abgaal)……………….Duuliye Miig 19
= Maxamed Khaliif Isaaq (Raxanweyn)………………Duuliye Miig 19
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@gmail.com
Tixraac: C/qadir Aroma……. Sababihii Burburka Soomaaliya (2005).

W/Q: Cali Cabdi Coomay