MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MUQDISHO KU SOO DHAWEEYEY RA’IISUL WASAARAHA XUKUUMADDA ITOOBIYA MUDANE ABIY AXMED

Muqdisho – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caasimadda Muqdisho waxa uu ku soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo dalka u yimid ka qeybgalka Shirka Soomaaliyq iyo dalalka Safka Hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaanay muhiimiyadda ay leedahay in dalalka gobolku ay u midoobaan dagaalka argagixisada Alshabaab.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Xasan Sheekh, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo marti-gelinta shirkan muhiimka ah ee lagaga arrinsanayo dabar-goynta argagixisada Khawaarijta Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.