Madaxweyne Muuse oo Maalin u asteeyey Xuska Shuhadada Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegto madaxweyne ku shaaciyey xuska maalinta shuhadda Somaliland.

Wareegtaddan ka soo baxday madaxtoooyadda Somaliland ayaa u dhignayd sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-224/102018, ku asteeyey In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

 

Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

 

Markaan Arkay:              Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Tixgeliyey:       Go’aanka Shirkii Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland, Shir Lr. 23aad ee 18/10/2018;

 

Markaan Dersay:            Ahmiyadda ay Qaranka u Leedahay Xuska Maalinta Geesiyaashii naftooda u soo huray halgammadii kala duwanaa ee xornimada dalka, sida halgankii Daraawiishta, Kacdoonkii Culimada, Aqoonyahanka, Suugaan-yahanka iyo Halgankii Hubaysnaa ee SNM;

 

Waxaan go’aamiyey;

 

In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.