Madaxweyne Muuse Oo La Kulmay Wefti Ka Socday IGAD

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiska ku qaabiley wefti  ka socda urur-goboleedka IGAD, oo uu hoggaaminayey ergeyga gaarka ah ee Ururkaasi u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya,  Amb. Maxamed Guyo, oo uu wehelinaayey Cabdulkarim Maxamed oo ah la taliyaha arrimaha siyaasadda ee IGAD.

Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu weftiga uga xog-warramay xaaladda guud ee dalka, sidoo kale waxa uu warbixin ka siiyey horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay, taasi oo ku timid wada-jirka iyo iskaashiga wada shaqayneed ee shacbiga iyo xukuumadihii kala danbeeyey  ee Somaliland ka soo taliyey, taasi oo sababtay in indhaha caalamku ku soo jeestaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana kulankaasi waxa diiradda lagu saaray arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika, gaar ahaan waxa si qoto dheer looga wada hadlay arrinta Tuka-rag oo uu madaxweynuhu weftiga u caddeeyey in Somaliland aanay marnaba duulimaad ku ahayn dal kale, hadday cidi joogto dhul aanay lahayna ay Soomaaliya ku jirto 70-Km oo Somaliland leedahay.

Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada-hadlay in IGAD taageerto mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, khaasatan hirgelinta qorshaha labaad ee qaranka ee shanta sanno ee soo-socda, iyada oo sidoo kale laga wada hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee la filayo in ay dib u furmaan dhawaan.

Dhinaca weftiguna waxa ay madaxweynaha uga mahadnaqeen sida qiimaha leh ee uu u qaabilay una soo dhaweeyey, waxaanay Somaliland ku ammaaneen horumarka ay xukuumad ahaan iyo shacabba gaadheen, iyaga oo dhinacoodana ballan qaaday inaanay Somaliland waxba ka hagranaynin, tixgelin gaar ahna siinayaan waxyaabaha ay madaxweynaha ka wada-hadleen.

Madaxweynaha waxa kulankaa ku wehelinaayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Ambassador Cali Xuseen Ismaaciil (Cali-shoombe) iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan Midowga Afrika, Amb. Aadan Muuse Jibriil.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.