Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shacabka Caasimadda Hargeysa Kala Qayb-Galay Salaadda Ciidul-Fidriga

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa, gaar ahaan masjid Jaamaca kala qayb-galay salaadda Ciidul-fidriga.

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaal katirsan ciidamada kala duwan ee dalka iyo haldoor kale oo bulshada katirsan, ayaa kumannaan katirsan shacabka caasimadda Hargeysa kula tukaday masjid jaamaca weyn ee caasimadda, waxaana ugu horrayn halkaas khudbad ku saabsan Allah ka-cabsiga iyo muhiimadda ay leedahay isku-duubnida iyo wada-jirka ummaddu ka jeediyey wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, waxaana uu shacabka kula dardaarmay inay ku dedaalaan horumarka dalkooda.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay xoojiyaan midnimada iyo wada-jirka, kana shaqeeyaan islaaxa, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta oo kale waa maalintii farxadda iyo wada-jirka, dalkeenuna waxa uu u baahan yahay inaynu xoojinno mudnimadeedan oo ay muuqato, Islaamnimadeenna oo ay muuqato walaaltinimadeennu oo nabadda laga shaqeeyo oo wada-jirka laga shaqeeyo oo dadkeena muslimiinta ah ee walaalaha ahna islaaxooda laga shaqeeyo, xukuumadduna dedaalkeeda way ku jirtaa.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo bulshada khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey, ayaa u duceeyey shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ah, waxaana uu Eebbe uga baryey inuu ka aqbalo acmaashii suubbanayd ee ay bishii barakaysnayd ee Ramadaanta soo wadeen, waxaana uu yidhi, “Ilaahay Salaadda ha inaga aqbalo, jamaceennana jamac uu u naxariisto haka yeello, ummmadda Islaamka oo dhanna waynu ugu tahniyadaynaynaa maalinta Cidda, Ilaahayna dambi-dhaaf iyo maqfiro ayeynu u weydiinaynaa.”

Madaxweynuhu  isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu hoosta ka xarriiqay inay Jamhuuriyadda Somaliland ka go’an tahay inay dalalka deriska ah kula dhaqanto deris-wanaag iyo walaaltinimo, isla markaana aanay marnaba colaad diyaar u ahayn,“Haddii aynu Somaliland nahay waxa aynu caalamka oo dhan kula dhaqmaynaa wanaag iyo nabad, wixii dhexdeena khilaaf ahna waxa aynu ku dhammaysanaynaa nabad, Bani’aadamkuna meel uu joogaba wuu is khilaafaa, laakiin wuxuu ku dhammaystaa wada-hadal iyo nabad, dalalka Jaarka ah nabad baanu ugu baaqaynaa, dunida oo dhanna nabad baynu kula dhaqmaynaa, wixii khilaaf  naga dhexeeya qaran ahaan ama dawlad ahaanna nabad baanu ugu baaqaynaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si adag u sheegay inay nabaddu safka hore kaga jirto tiirarka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku taagan tahay, islamarkaana ay qaran ahaan diyaar u tahay in wixii khilaaf ah ee dhexdeeda jira ay dhammaysato, waxaana uu yidhi, “Colaad iyo tafaraaruq midna kuma jirno, geyigan geeska Afrika-na maanta colaad uma baahna, dagaallo iyo colaad Soomaaliyi way kasoo daashay, Somaliland-na nabad bay ku dhaqan tay oo ku dhisantay, deriskeedana nabad bay ugu baaqaysaa, gudaheedana wixii khilaaf ah ee jira nabad bay ku dhammaysanaysaa.”

Sallaadda kadib, waxa uu madaxweynuhu qasriga madaxtooyada ku qaabilay boqolaal katirsan shacabka reer Somaliland oo carruur, dhallinyaro iyo waayeel isugu jira, kuwaas farxadda ciidul-fidriga awgeed booqasho ugu yimi, isla-markaana ay ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin madaxweynahooda inay la qaataan farxad ciidul fidriga awgeed.

 

Wa-bilaahi tawfiiq

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.