Madaxweyne Muuse Biixi oo Magacaabay Ku-Xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-157/072018, ku magacaabay ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee qaranka.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay:                  Qodobka 90aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Tixgeliyey:          Ahmiyadda uu ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud u leeyahay dhisimaha Qaranka

Markaan Arkay:                  In baahi loo qabo buuxinta jagada Ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka

Markaan Fiirsaday:             Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markaan Sameeyey:           In uu hanan karo xilkan;

Waxaan Go’aamiyey;

In Mudane, Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.