Madaxweyne Muuse Biixi oo Kormeeray Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Khudbad Muhiim ahna Jeediyey

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer shaqo oo kedis ah maanta ku tegay xarunta wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ku leedahay gudaha caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay kormeerkiisa shaqo ku wehelinayaan xubno xildhibaanno ah iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada iyo mudane Maxamed Cali Bile, ayaa waxa xarunta wasaaradda kusoo dhaweeyey  guud ahaanba shaqaale weynaha wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland oo uu gadh-wadeen u yahay wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Mudane, Cabdiraxmaan Faarax guri-barwaaqo, wasiir ku xigeenkiisa Mudane, Maxamed Muuse Abaas iyo madaxda kale ee wasaaradda, waxaana uu madaxweynuhu mid mid u booqday xafiisyada kala duwan ee hal-bawlaha u ah wasaaradda, sida istuudyaasha, Telefishanka qaranka  iyo Idaacadda Radio Hargeysa, xarunta wakaallada wararka qaranka ee SOLNA,  xarunta keydka cajaladaha ee Radio Hargeysa, waaxda korontada cadceedda (Solar) ku shaqaysa ee wasaaradda iyo xarumo kale oo muhiim ah, waxaana  madaxweynaha la siiyey warbixinno kala duwan oo ku saabsan shaqada wasaaradda iyo caqabadaha hor taagan.

Ujeeddada safarka madaxweynaha oo ahayd sidii uu xogo-ogaal ugu noqon lahaa xaaladda dhabta ah ee wasaaradda warfaafinta iyo dhaqaalaheeda, ayuu madaxweynuhu si dhaw ugu kuurgalay, waxaana uu indhihiisa ku arkay hannaanka shaqada wasaaraddu u socoto, isaga oo madaxweynuhu  hawl-wadeennada wasaaradda ka dhegaystay caqabadaha haysta, sida looga bixi karo, isaga oo ballan qaaday in aanu marnaba waxba ka hagran doonin dhammaystirka caqabadaha horyaalla wasaaradda warfaafinta oo qaranka halbowle u ah.

Kormeerka kadib waxa madaxweynaha iyo madaxda wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelintu si wada-jir ah ula hadleen guud ahaanba shaqaaleweynaha wasaaradda, waxaana ay hoggaanka wasaaradda oo ay kamid yihiin agaasimaha Telefishanka qaranka, Mudane Muuse Faarax Jaambiir, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, Mudane Cali Maxamed Cali, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Mudane Maxamed Muuse Abees, iyo wasiir Maxamed Faarax Guri-barwaaqo, waxaana ay ku dheeraadeen dedaalka wasaaradda warfaafintu ugu jiro sidii  ay laban-laabi lahaayeen hawsha ay qaranka u hayaan, isla markaana uga soo dhalaali lahaayeen kaalinta ay bulshada ugu jiraan.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Faarax Guri-barwaaqo, ayaa ugu horrayn madaxweynaha uga mahad-celiyey sida uu muhiimadda gaarka ah u siinayo xogo-ogaal u noqoshada xaaladda wasaaradda iyo shaqaalaheedu ku sugan yihiin, isla markaan uu marag uga noqon lahaa caqabadaha wasaaradda haysta oo ay horeba masuuliyiinta wasaaraddu qoraal ahaan madaxweynaha ugu gudbiyeen, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweynuhu sidii dhabta ahayd warbixintii aanu gudbinay, ayuu indhihiisa ku arkay, wax aanu qarinayna ma jirto, sidii ay ahaydna wuu u qaatay, sheekaduna ma aha maanta la inoo wada fulinayaa, laakiin waa ku talo-gal wixii aanu sheegaynay indhihii iyo dhegihii dalka inay tahay halka ugu horraysa ee wax laga qabanayo, awooddeennana aynu isugu geynayno, haddii sida aanu doonayno la inoo yeelo waxa naga go’an in aanu dadka daryeelkiisa aanu mudnaanta koowaad siinno, in caafimaadka iyo waxtarka si kastaba looga shaqeeyo oo wixii dawlad laga arki jireyna lanaga helo, sidaa aad madaxweyne maanta noogu timina waa sidii aanu  kuugu soo gudbinay waraaqihii aanu kusoo gaadhsiinay, waxaana aanu rajaynaynaa inay noqon doonto halka ugu horraysa ee aad wax ka qabato.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal dhinacyo badan taabanaya u jeediyey shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta, ayaa muujiyey sida uu madaxweyne ahaan ugu faraxsan yahay inuu la kulmo shaqaalaha wasaaradda oo haldoor bulshada qiime weyn ku dhex lihi kamid yihiin, waxaana uu si cad u sheegay in shaqaalaha ka hawlgala wasaaradda warfaafintu yihiin naf-hureyaal taariikhda galay, isla markaana qarankooda  waqti badan u shaqeeya, iyaga oo aan helin dheef iyo dhaqaale dheeri ah midna, waxaana uu yidhi, “Maanta aniga farxad, sharaf iyo maamuus bay ii tahay in aan halkan kula kulmo dadka ka shaqeeya wasaaradda warfaafinta oo badankoodu ah dad dalkooda  naftooda u hura oo aan iyagu wax dheef ah ka helin. Maynaan maqlin fannaan, weriye ama abwaan ama fannaanad, marka dib taariikhda loo raaco hodon ka noqday hawshuu qaranka u hayey oo carruurtiisa lacag ama dhaqaale uga tegay, laakiin wax ka weyn bay uga tageen, marka aad eegto taariikhda dadkii halkan (Warfaafinta) kasoo shaqeeyey ee hebel la yidhaahdo ama weriye ha ahaado, ama maamule ha ahaado, ama abwaan ha ahaado amaba farsamo yaqaan ha aadee dadkii wasaaradda warfaafinta kasoo shaqeeyey marka magacooda la xuso waxa lagu qiimeeyaa oo lagu qaddariyaa dhammaantooda inay yihiin dad umadda oo dhan wax u taraye aan lafihiisa iyo qoyskiisa oo qudha wax u tarin, tusaale marka aad Cabdilaahi Qarshe maqasho ee aad Xuseen Aw Faarax Maqasho ee aad Mustafe Xaaji Nuur Maqasho ee aad Tima-cadde maqasho maskaxdaadu maxay sawiranaysaa?, raggii ay la faca ahaayeen ee raggaas  la da’da ahaa ee iyagu ama lacag ka shaqeeyey ama danta qoyskooda oo qudha ku ekaaday cidina maanta ma garanayso inay isku waqti ahaayeen, laakiin qof kasta oo dadkaas magacooda maqlaa wuxuu qirayaa inay qaranka iyo umaddaba wax wanaagsan oo naf-hurid ah u qabtaan.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana carrabka ku ballaadhinaya hawl-karnimada iyo dedaalka shaqaalaha wasaaradda ee aan kala joogsiga lahayn, ayuu madaxweynuhu shaqaalaha iyo madaxdoodaba kula dardaarmay inaanay niyad-jabin, isla markaana ay maanka ku hayaan in bulshadu u og  tahay dedaalka dheeriga ah ee ay wadaan, “Haddii wasaarad ahaan dadkiina hawshan Ilaahay u diray ee Ilaahay Kartida siiyey, ama abwaan ha ahaado, ama ha heeso, ama ha majaajileeyo, ama weriye haka ahaado, ama farsamo-yaqaan haka ahaadee illayn waa awood Ilaahay idin siiyey oo idinkaa is dirayee, dadkiina awooddaas lehow haddii marmarka qaarkood aad xanuunsato, ama dhibaato qoys kugu timaaddo, ama inan yar oo war doonayaa aroortii isaga oo aan quraacan uu wareegaalaysto oo uu idaacadda soo gaadhi kari waayo, ha cadhoonin oo ha is canaanan waxad dhisaysaa qarankaagiiye, saacadaha aad qaranka siisayna umadda ayaad wax u tartay, qaar kula mid ah baa jira oo nafta u hura oo saacaddaas xabbad  isugu dhigaya oo ku dhaawac ah oo ku naafo ah, qaar kula mid ah baa jira oo jiifa bannaanka, taariikhduna taas ma qariso,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shaaca ka qaaday inaanay bulshadu marnaba heli Karin cid u qabata shaqada ay qaranka u hayaan, isla markaana kaalintooda aanay cidina buuxin Karin, waxaana uu yidhi, “Dhibaatooyinka wasaaradda dadka ka shaqeeya haysta ee dhaqaale ee waxyaabaha qaarkood ee kale leh, haddii aydaan u adkaysanin umaddu wax wacyigeliyona may hesheen, wax wax u sheegana may hesheen, wax caqligooda toosiyana may aragteene waxa laga yaabi lahaa inay isku buraan-buraan, Sheekh Dirir baana loogu dhegaysi badan yahayoo haddii aanu inanka hawl-wadeenka ah iyo ka farsamo-yaqaanka ah ee Idaacadda ka shaqeeyaa aanay wada shaqaynaynin umaddu  tafsiirka Qur’aanka miyuu baran lahaa, qof kasta oo xikmad isku daya iyo nin kasta oo fikir sameeyaa cidda uu u yimaaddo ee la qaadaana waa wasaaradda, qarankana hawshaas ayaad u haysaane oo awooddaas ayuu Ilaahay idin siiyey, waana la idiin og yahay.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inaanay jirin cid hagrasho ka gashay baylahda ay qabaan shaqaalaha warfaafinta iyo agabkoodaba, “Idinka, qalabkiina iyo wasaaradduba waxa ay u baahan yihiin daryeel faro badan, ogaadase qof kasta oo masuul ah oo Somaliland masuul kasoo noqday u malayn maayo inuu jiro qof aan qaddarintiina ogayn oo wax ka hagranaanaya daryeelka aad u baahan tihiin, madaxweyne, Baarlamaan, wasiir iyo talo-qabeen isleh maanta wax ka hagro u malayn maayo inuu jiro,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Kormeerka shaqo ee uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu maanta ku tegay xarunta wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, ayaa daba socda karomeerro is daba-joog ah uu uu madaxweynuhu ugu kuur-gelayo xaaladaha shaqo iyo duruufaha ka jira xarumaha hay’adaha kala duwan ee qaranka, waxaana ay qayb ka yihiin hawlaha shaqo ee qaranka u hayo iyo dedaalka uu ugu jiro ka midho-dhalinta himilooyinkiisa.

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.