Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Soo Xidhay Barnaamijkii Tirinta Iyo Tayaynta Shaqaalaha Dawladda Ee La Magac Baxay Madaxtaabashada Shaqaalaha

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa saaka soo xidhay barnaamijka madaxtaabashada shaqaalaha dawladda ee socday dhawrkii bilood ee u danbeeyay taasi oo ay gacanta ku haysay hay’adda shaqaalaha dawladdu, kana caawinayey Baanka Adduunku.

Barnaamijkani oo socday dhawrkii bilood ee u danbeeyay ayaa noqonay kii ugu horeeyay ee lagu tirinayo laguna tayaynayo shaqaalaha dawladda ee laga qabto Somaliland guud ahaan.

Guddomiyaha hay’adda Shaqaalaha Sharmaarke Axmed Muxumed Geele ayaa si faah-faahsan uga war bixiyay barnaamijkani tayaynta iyo tirinta shaqaalaha waxaanu yidhi “Waxaanu dhawrkii bilood ee ugu danbeeyay aanu wadnay barnaamijka tirinta iyo taynta shaqaalaha, waa guul in maanta aanu dhigayno xafladii gunaanadka, waxa aanu si sugan u haynaa qof kasta oo shaqaale dawladeed ah xogtiisa iyo waxkasta oo looga baahdo, waxaanu bilaabi doonaa barnaamijka hawl-gabka qaranka dhawaan taasina waa guul kale oo qaranku gaadhayo”.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Hindaย Jamaac Xirsi (Hinda Gaane) oo iyana munaasibadaa ka hadashay ayaa is dul taagtay muhiimada ay qaranka u leedahay tirinta iyo tayaynta shaqaaluhu, waxaana ay sheegtay ka wasaarad ahaan inay xil wayn iska saari doonaan tayaynta shaqaale weynaha Somaliland.

Gunaanadkii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay dawladda uu hogaaminaayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay uga go’antahay in la helo shaqaale nidaamsan oo hanaansan oo hurumarsan isla markaana lagu aamino hawlmaalmeedka dawladda, waxa uu madaxweyne ku-xigeenku hay’adda shaqaalaha ku bogaadiyay hawshan baaxadda leh ee ay qabteen waxaanu yidhi “Guddomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda iyo shaqaalihiisa, waxaan ku bogaadinayaa hawshan ay gacanta ku hayeen ee soo gebo-geboday, xukuumad ahaan waxa naga go’an in la helo shaqaale tayaysan, islamarkaana aanu sidoo kale u gogol xaadhno shaqaale kale oo dawladu qaadato” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku.

Barnaamijka tirinta iyo tayaynta shaqaalaha ayaa noqonaya mid ku soo beegmay wakhti ku munaasiba kuna soo dhamaaday guul iyo xog diyaarsan oo ay yeesheen shaqaalaha dawladda meel ay joogaana.

Allaa mahad leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.