Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo Soo Indho Indheeyey Dadka Duufaantu ku Dhuftay

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo saaka kormeer dhinaca cirka ah ku soo maray deegaamada xeebta Somaliland ku teedsan ee ay ku dhufatay duufaantu, ayaa gaadhay goobo muhiima oo ay ka mid ahaayeen tuulo xeebeedka Yago iyo garyaara oo ka wada tirsan Lughaya oo ay ku go’doonsanaayeen dad aad u jilicsan oo u baahnaa gurmad iyo gargaar caafimaad, iyadoo loo daad gureeyey magaalooyinka si loogu fidiyo adeegyada ay u baahan yihiim uguna muhiimsanaayeen caafimaadku.

Waxa kormeerka madaxweynaha ka soo baxay o ay soo taabteen xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta deegaamadaasi ay saamaysay duufaantu, iyadoo waxyeeladu ay marba marka ka sii danbaysa soo kordhayso oo la ogaanayo in khasaaruhu sii badanayo, waxaanu maaxweyne ku xigeenku soo kormeeray goobo ay ka mid yihiin Hadayta, maame, gargaara, ido-cadays, garbodadar, cabdi geedi, lughaya, riiga karuura iyo goobo kale oo ay saamaysay masiibadaasi.

Iyadoo ay Masiibadaasi sababtay khasaare naf iyo maalba leh ayaa waxa uu madaxweyne ku xigeenku intii uu ku jiray kormeerkiisa waxa loo xaqiijiyey dhimashada dadka oo gaadhaysa 31 ay 18 ka mid ahi ku geeriyoodeen gargaara oo ka tirsan Lughaya iyadoo afarka mid ah dadkaasi la waayey raqdooda iyo ruuxdoodaba meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Ugu danbayn waxa goobahaasi gaadhay gurmad isugu jira caafimaadka oo ay hoggaaminayso wasaaradda horumarinta caafimaadka oo kaashanaysa hay’adaha caafimaadka u qaabilsan Somaliland iyo gargaar dhinaca cunnooyinka ah, si loo badbaadiyo intii ka badbaaday masiibadaasi ee ku go’doonsan deegaamadaasi ku teedsan xeebaha Somaliland.

 

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Line: 518390

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.