Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo La Kulmay Agaasimaha Hay’adda IOM

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu maanta oo khamiis ah xafiiskiisa ku qaabiley agaasimaha geeska Afrika u qaabilsan hay’adda IOM, Mr. Jeffrey Labovitz oo ay wehelinayeen, Jessamy Garver-Affeldt oo ka socotay xafiiska IOM ku leedahay Somaliland, iyo la taliyaha hawlaha IOM ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Dyane Epstein.

Kulankaas oo lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Dawladda Somaliland iyo IOM ayaa lagu soo qaaday arrimaha ay hay’addu kala shaqayso Somaliland ee ay ka midka yihiin qaxoontiga ka soo qaxay dalka Yemen ee ku sugan gudaha Somaliland, sidii ay IOM u kordhin lahayd baahiyaha la xidhiidha daryeelka iyo kaabayaasha aas-aasiga ah ee lagama maarmaanka u ah in xooga ay saarto hay’addu iyo in ay gacan ka geysato goobaha barakacayaasha ku caydhoobay abaarihii dalka ka dhacay ee weli isa soo taraya iyadoo weliba ay u diyaar garoobaan xaalada abaareed ee soo cusboonaatay.

Waxa kale oo laga wada hadlay inay dardar-geliyaan arrimaha caafimaadka ee ay kala shaqeeyaan wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo ay wada shaqayn leeyihiin hay’dan, iyadoo uu madaxweyne ku xigeenku ku adkeeyey in ay dedaal dheeraada geliyaan arrimaha caafimaadka iyadoo ka duulaya baahiyaha wasaaradda.

IOM-na waxa ay Somaliland ku ammaaneen doorka ay ka qaadatay arrimaha qaxoontiga Yemen ee ay sida wanaagsan u dejiyeen una soo dhaweeyeen, taasi oo beesha caalamka tustay in Somailand ay tahay dal isku tashaday waxna qabsaday cid kalena u gargaari kara haddii looga baahdo caawimo dawladnimo, iyo mid gaaraba.

Waxaanay balan qaadeen inay door la taaban karo ka qaadan doonaan arrimaha abaaraha, barakacayaasha, qaxoontiga Yemen iyo dhinaca caaafimaadkaba.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.