Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madaxda Rugta ganacsiga ee Jeddah chamber of comerce and industry

Sucuudi Arabiya – (warsoor) – Wefdiga uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Kulan la qaatay madaxda iyo masuuliyiinta rugta ganacsiga ee Jeddah chamber of comerce and industry iyo , waxaanay ka wada hadleen sidii looga midho dhalin lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhkii ganacsi ee soo jireenka ahaa loona xoojin lahaa isfahanka ganacsi ee labada   shacbi ee ku kala dhaqan wadamadda Somaliland iyo Sucuudiga  isla markaana guulo looga gaadhi lahaa xidhiidhka labada dal iyo xoojinta arrimaha ganacsi is weydaarsiga.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Masuuliyiinta rugta ganacsiga sucuudi arabiya ayaa lafo gurey hindisayaal lagu dardar galanayo ganacsiga xorta ah oo wax weyn ka taraya koboca dhaqaalaha bulshada.
 
waxaanu Madaxweyne ku xigeenku ku marti-qaaday Rugta ganacsiga ee Jeddah chamber of comerce and industry dalka Somaliland inay yimaadaan iyagoo wata ganacsatada ugu waawayn sucuudiga iyo khaliijkaba inay booqasho rasmiya ku yimaadaan Somaliland, iyagoo qiimayn ku samayn doona ganacsiga Somaliland, xoogana saari doona kobcinta iyo tayeynta beeraha oo ay gacan ka geysan doonaan sidii Somaliland looga hirgelin lahaa timir tayo leh oo ka baxda Dalka Somaliland, sidoo kale waxa ay maalgelin ku samayn doonaan wax soo saarka iyo dhoofinta Kalluunka Somaliland, iyo iibka Xoolaha Somaliland.


Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil waxaa kulankan ku wehelinayay Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, siyaasi Maxamed Duur Carraale Nuur, iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Diinta iyo aw qaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Mudane Maxamed Muuse Abees.

 

wafdigii uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ee gudashada waajibaadka xajka ku jooga dalka sucuudi arabiya ayaa guulo diblamaasiyadeed ka soo hooyay socdaalkoodan ka dib markii si meeqaamkeedu saraysa madaxda ugu sareysa dalka sucuudigu ay ku qaabileen wafdiga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Sidoo kale safarkan waxaa ku lamaanaa ibo furka xidhiidho cusub, kuwaas oo dhax mari doono bulshooyinka labaddaa dal ku kala dhaqan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.