Madaxweyne ku Xigeenka oo ka Qayb Galay Qalin Jebinta Arday ka Aflaxday Jaamacadda Culuunta Badda ee Berbera

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay Magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera kaga qaybgalay Munaasibad loo qabtay Dufcadii 7aad ee ka qalinjebisa Jaamacadda Culuumta Badda iyo Kalluumaysiga ee Berbera oo dhamaysata Degree-gii Kowaad ee aqoonta heer Jaamacadeed.

Madaxweyne ku xigeenka qaranka udane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil,ayaa ka hadlay muhiimadda ay qaranka u leedahay Jaamacadda culuumta badda ee Berbera iyo ardayda ay soo saarto oo ah kuwo aqoonta ay bartaan aad loogu baahan yahay.

Mudane Saylici oo ka hadlayay waajibka Xukuumadda ka saaran kor u qaadista aqoonta iyo gacansiinta jaamacadaha dalka,ayaa yidhi. “Halkan waa laga sheegay Jaamacadda gacanta ay ku leedahay dawladda dhexe iyo ta gobolka iyo ta degmada Berbera ba waana waajib na saaran in aanu intaa iyo ka badan ba qabano waxkasta oo Xukuumad ahaan awoodayada ahna waanu kaga qayb qaadanaynaa Jaamacadda iyo guud ahaan waxbarashada dalkaba.

Madaxweyne ku xigeenka  oo ka hadlayay muhiimadda Jaamacadda culuumta badda ee Berbera ay qaranka u leedahay iyo sida loogu baahan yahay ardayda ay soo saartay aqoontooda ayaa yidhi. “Jaamacaddan markaan ka hadlo waa jaamacadda keliya ee dalka ka jirta ee aqoontan lagu barto waaanay so saartay arday aynu aqoontooda baahi wayn u qabno, jaamacadda culuunta badda iyo dugsiyada Farsamada gacantuba waxay u baahan yihiin in qarash badan la galiyo oo dhaqaale wayn ayay u baahan tahay,Jaamacaddan waxaa isugu tegay dawaddii dhexe dawladdii hoose iyo dekeddii Berbera intaas oo isu tagtay ayaa suura geliyay jaamacaddan.”

Dhimaca kale Madaxweyne ku Xigeenka Somalilan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa shalay xadhiga ka jaray qaybo Cusub oo lagu soo kordhiyay  Dugsiga sare    Ex SOS ee Magaalada Sheekh oo loogu talo galay  hablaha.

Madaxweyne ku xigeenka . Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu ka soo qayb galo xadhig ka jarista dhismayaasha lagu soo kordhiyay Dugsiga  Pharo Secondary School ee EX SOS.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan ka soo qaybgalo xafladan dugsigani taariikh wayn ayuu ku lahaa dalka Somaliland waxaana Xukuumad ahaan iyo shacab ahaanba aan u mahadnaqaynaa Hay,adda SOS oo soo celiyay taariikhda dugsiga SOS.waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Fara foundasion oo markii ay arkeen cidhiidhiga ka jira dugsigan  hablaha u dhisay qaybtan xadhiga laga  soo  jaray,”.ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

Maamulaha  Dugsiga Pharo Secondary School ee Degmada Sheekh  Maxamed Axmed Bakaal oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa  tilmaamay in ay dugsiga  dhistay Dawladdii Ingiriisku.Waxaanu yidhi”Dugsigan waxa dhistay dawladdii Ingiriiska waxaanu dhamaystirmay 1958 ardaydii ugu horreeyay waxa ay soo galeen 1959, intaasba dugsigani arday ayuu   soo saarayay,”.

Sidoo kale Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska Cabdixakiim Siciid Bustaale iyo Guddoomiyaha Gobalka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi  oo isgauna hadal ka jeediyay halkaas ayaa soo dhaweeyay dhismaayashan lagu soo kordhiyay Dugsigan.