Madaxweyne-ku-xigeenka JSL oo Soo Kormeeray Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimada Hargeysa Ee Ka Socda Biyo Shiinaha

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ahna ku-simaha Madaxweynaha JSL oo ay wehelinayaan masuuliyiiin badan oo xukuumadda ka tirsan ayaa soo kormeeray maanta oo Arbaca ah mashruuca biyo balaadhinta caasimada ee socda Biyo Shiinaha.

dsc_0039

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Saylici oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi, “Maanta waxa aynu u soo baxnay in aynu ogaano xaalada biyo balaadhinta hargeysa halkay marayso, mashruucani runtii waa mashruuc aad iyo aad u balaadhan oo qiimo leh, waa mashruuc caasimada hargeysa oo cidhiidhi badan kaga jirta adeega biyaha wax weyn ka tari doona waana tallaabadii koowaad ee runtii xukuumadaydu markii ay xilka timiday ay bilowday, sidii hawshaa loo fulin lahaa iyo culayska jira ee caasimada Ilaahay mahadii waxa lagu gulaystay in markii u horaysay sanadkii labaadba in la helo dhaqaalihii koowaad oo ay balan qaadeen midawga yurub oo dhaqaale aad iyo aad u qiimo badan oo 21milyan oo doollar ahayd, waxa kale oo kaabtay sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF, anigu waxan aad io aad ugu faraxsanahay dedaalkii aan u soo galnay hawshan biyo balaadhinta hargeysa inuu maanta halkii u dambeeyey uu marayo waana ta aan u soo kaxeeyey inteenan in aynu wada aragno haddii aynu xukuumadii nahay halka ay wax marayaan, qofkuna waxa uu maqlo iyo wuxuu arko way kala qiimo badan yihiin. Masuul kasta oo xukuumada ka tirsan maantana halkan jooga inuu ka turjumo dareenkiisa oo uu ummadda u sheego inay hawshii meel fiican marayso oo ay dhaw dhawdahay runtii”.

Madaxweyn ku-xigeenka ayaa intaasi raaciyey, “Aad iyo aad waxan ugu hambalyeynayaa wasaaradda biyaha, Maareeye Ibraahim Siyaad oo runtii hawl aad iyo aad u culus haya dhamaan hay’adaha inaga taageera haday dhaqaalaha tahay iyo haday tahay fulinta, Maareeyaha iyo hawladeenadiisa la shaqeeya oo dhan iyana aad ayaan ugu hambalyeynayaa hawl aad u culus ayey runtii hayaan hawlna hadaan loo dhibtoonin oon loo dhididin dheefteeda lama helo”.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka hadlay muddada dheer ee mashruucu qaatay iyo waxa sababatay ayaa yidhi, “Mashruuca waynu u soo dhabar adaygnay muddo dheer ayuu soconayaa waxa marka la eegayo ee la rabo inuu wax tayo leh uu noqdo degdeg ma yeesho wixii la dedejiyaa tayo ma yeesho in tayadii iyo ku talo galkii 30 sano inuu jiri lahaa ayaa lagu xisaabtamayaa markaa runtii aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, ummadda reer Hargeysa waxan leeyahay waxad ku bushaaraysataan in sanadkaa cusub ee 2017ka meelkasta oo Peepkii hore uu yaalo inay biyo gaadhi doonaan marka halkaa laga soo istaadho biyaha, qolada deegaankana waxan leeyahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin waxanse codsanayaa dhulku wuu inaga fara badan yahay balse intani dhul mishiin loo xidho maaha ee dhulka waa inaad kordhisaan oo ugu yaraan 50m iyo 50m ama 100m ka dhigtaan waayo ceelku waa qasnad oo waa wadnihii, hadii dayrkii dabada ku hayo amnigiisu khatar ayuu ku jiraa mustaqbalkana dayr ayaa la samayn doonaa markaa si aynu u ilaalino ceelka waa in dhul balaadhan la helaa, biyaha dhulka ku jiraana waa khayraad ummaddu ay wada leedahay ninna gaar uma laha dadkan meesha Alle wada dhigay faa’iido gara ayey helayaan balse biyahaa dhulka ku jira ummaddaa wada leh ninna, lama sheegan karo, balse dadkaa kala firfircoono ninna waajibkiisu gudanayaa ninna talada ayuunbaa seegaysa oo wixii ayuu isku dhejinayaa waanad mahadsan tihiin dhamaantiinba, sida aad ula shaqayseen hay’ada hawsha wada”.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Maareeyaha wakaalada biyaha, wasiiru-dawlaha biyaha, maayarka caasimada Hargeysa, Gudoomiyaha gobolka Hargeysa oo dhamaantoodba ku dheeraaday faa’iidada biyaha iyo baahida ay shacbigu u qabaan sidoo kalena waxay xuseen in mashruucani yahay gabaabsi dhawaana ay Hargeysi heli doonto biyo ku filan, waxaanay madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha ku soo wareejiyeen oo ay soo kormeereen xarumaha ay ka socdaan biyo balaadhinta iyo xarumaha keydka biyaha ee hore u jiray iyo kuwa hadda farta lagu hayo ee lagu xoojinaayo kuwii hore si caasimadu u hesho biyo wada gaadha.

dsc_0062 dsc_0036

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.