Madaxweyne-ku-xigeenka Jsl oo Guddida Abaaraha Gobolka Saraar ku Wareejiyey Qaadhaankii Gurmadka Abaaraha, Riigga Cusub ee Caynabana Cadhigga ka jaray

Caynaba – (WARSOOR) – Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha heer qaran ee gurmadka abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta madaxda gobolka Saraar ku wareejiyey qaadhaankii ay xukuumaddu ugu talo gashay gurmadka xaaladda abaareed ee ka taagan gobolka.
Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa guddoomiyaha gobolka Saraar, ahna guddoomiyaha guddida gurmadka abaaraha gobolka ku wareejiyey qaadhaan lacageed oo dhan $71000 (Kow iyo toddobaatan) kun oo dollar, kuna qiimaysan 300(Saddex boqol) oo Booyadood oo biyo ah.

Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa sidoo kale xadhigga ka jaray riigga cusub ee ay xukuumaddu ka hirgelisay duleedka Caynaba, kaas oo biyo macaan laga helay.