Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Furay Xarun Lagu Baran Doono Dastuurka Iyo Wadaniyada

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdulaahi Ismaaciil ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray xarunta barashada dastuurka iyo waddaniyada Somaliland oo wasaaraddu aas-aastay.

Daah-furka xaruntaas waxa kasoo qayb galay xafladda daahfurka Xarunta Barashada Dastuurka iyo Waddaniyadda xubno ka mid ah golaha wasiiradda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha.

Dastuurka, badi aqoonyahanka iyo waxgaradka JSL Madaxda jaamacadaha dalka, ururada bulshada rayidka, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxa sharaxaad guud ka bixiyey xaruntani lagu baran doono dastuurka iyo waddaniyada agaasimaha guud ee wasaarada xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka JSL Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf.

Drs. Edna Aden Ismaaciil, Gudoomiyaha Dallada ururada aan dawliga ahayn ee SONSAF iyagoo tilmaamay ahmiyadda ay xaruntani Qaranka u leedahay, sidoo kale wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada, Cadaaladda iyo Macdanta iyo tamarta waxaanay dhamaantood soo dhaweeyeen muhiimada ay Xarruntani u leedahay qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL Mudane Maxamed Xaaji Adem Cilmi oo munaasibada ka hadlay ayaa tilmaamay marxaladihii kala duwanaa ee xaruntani soo martay waxaanu hoosta ka xariiqay qorshaha mustaqbalka ee xaruntani leedahay.

Ugu dambayn waxa halkaas ka hadlay madaxweyne ku-xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo ku amaanay wasiirka iyo wasaaradda ka dhabaynta ujeedooyinkii loo aas-aasay wasaaradda sidoo kale waxa uu madaxweyne ku-xigeenku ku booriyey bulshoweynta Somaliland Barashada Dastuurka iyo wadaniyadda.