Madaxweyne Ku Xigeenka JSL oo Dhagax Dhigay Xarunta Cilmi baadhista iyo tayeynta Dhirta

Hargaysa – (WARSOOR) – Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa Maanta Dhagax dhigay Xarunta Cilmi baadhista iyo tayeynta Dhirta ee Deegaanka Geed-deeble.

Xaruntan oo ay hirgalisay Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Miyiga ayaa Munaasibada loo sameeyay dhagax dhigideeda waxaa ka qayb galay oo kale Xubno ka mid ah Gollaha Wasiiradda, marti sharaf ka kala socday haayado Caalami ah iyo kuwo maxali ah, jaamacadaha Dalka qaarkood iyo Saraakiisha Safaarada Thaiwan Ee S/land.

Waxaa halkaasi ka hadlay Wasiiradda Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Warfaafinta Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Maaliyadda Mudane Sacad Cali Shire, iyo Qorshaynta Qaranka Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo tilmaamay Muhiimada Xaruntan.

Wasiiradani waxay sheegeen in Xaruntani ayaa wax weyn ka Tari doonto barashada Dhirta kala duwan ee Somaliland ku taala, Iyo Dalxiiska,  Isla markaana ay noqon doonto Meelaha ay xogta raadinta iyo Cilmi-baadhista ku sameeyaan Ardayda Somaliland iyo Kuwa Jaamacadaha Dunida ee barta Culuumta La Xidhiidha Deegaanka ìyo Beeruha.

Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici  oo gabo gabadii halkaas ka hadlay ayaa Sheegay in Xarunta Cilmi baadhista dhirtu ay noqon doonto mid daraasado ku samaysa dhirta kala duwan ee alle ku galaday dalka Jamhuuriyadda Somaliland Waxaanu Madaxweyne xigeenku amaan u soo jeediyey Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Miyiga ee hirgalinaysa Xaruntan.

Xaruntan Cilmi baadhista dhirta lagu samayn doono ee laga hirgalinayo deegaanka Geed Deeble ay noqon doonto tii Sadexaad ee laga hirgaliyo Mandaqada geeska Africa iyadoo labada Xarumood ee kale ay ku yaalaan dalalka Ethiopia iyo Sudan.

Xaruntan ayaa wax weyn ka Taraysa barashada Dhirta kala duwan Somaliland.