Madaxweyne-ku-xigeenka JSL oo Deeq Dadka Abaaraysan loogu gurmanayo ku wareejiyey maamulka gobolka Togdheer

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweyne-ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida Gurmadka abaaraha heer qaran, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku joogo gobollada bariga dalka, ayaa maamulka gobolka Togdheer ku wareejiyey deeq dhan 536 Lowdh oo biyo ah, taas oo loogu talo galay dadka abaaruhu saameeyeen eek u dhaqan gobolka Togheer.

Madaxweyne-ku-xigeenka, oo shir ballaadhan la qaatay guddida gurmadka abaaraha ee gobolka Togdheer, ayaa warbixin la xidhiidha heerka abaarta iyo tallaabooyinka xukuumaddu qaadday ka dhegaystay maamulka gobolka, waxana uu isla goobtaas ku wareejiyey deeq xukuumaddu ugu talo gashay inay kaga qaybqaadato gurmadka abaarta, taas oo gobolka Togdheer qaybtiisa maanta isla madashaas loogu wareejiyey.