Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda SomalilandOo Ka Qeybgalay Mashruuca Balaadhinta Iyo Horumarinta Ee Berbera

Berbera – (warsoor) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) iyo Wafti Balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa gaadhay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, halkaasi oo waftiga Madaxweyne ku xigeenka si balaadhan loogu soo dhaweeyey.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka qeyb galay munaasibad ay soo agaasintay Dawladda hoose ee Degmada Berbera taasi oo lagu daahfuraayey Mashruuca Berbera Urban Development oo ay maalgelinayaan Midowga Yurub islamarkaana loogu talogalay hannaanka bilicda horumarinta Magaalada Berbera, sidoo kalena waxaa isna madasha goob joog ka ahaa Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya Mr. Nicolás Berlanga Martinez.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.