Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Masaajidka Harawa Ee Magaalada Boorama

BOORAMA -(WARSOOR) – Madaxweye ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray Masaajidka Harawa ee Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal oo dib u dhis balaadhan lagu sameeyey.

Madaxweyne ku-xigeenka oo ka hadlay furitaanka Masaajidkaasi ayaa uga mahad celiyey bulshadii kala duwanayd ee ka qeyb qaadatay dibu-dhiska masaajidka, waxaana uu sheegay in masaajidku ku yaallo badhtamaha boorama isla markaana uu furitaankiisu kusoo beegmay Bishii barakaysnayd ee Ramadaan oo ay ka hadhsan tahay maalmo yari, sidoo kalena bulshada Somaliland ugu baaqay in laysi-saamaxo.