Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo Shir-guddoonka Wakiillada kala Wareegay Qaadhaan Lacageed Oo Gurmadka Abaaraha Loogu Tala Galay

Hargeysa – (WARSOOR)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida abaaraha heer qaran, ayaa maanta qaddar lacageed oo dhan $50,000 (Konton kun) oo dollar kala wareegay shir-guddoonka golaha wakiillada, taas oo ay ugu talo galeen inay kaga qayb-qaataan dedaalka loogu jiro in gurmad la gaadhsiiyo dadka iyo duunyada abaaruhu saameeyeen.

Kulanka ay xubnaha shir-guddoonka golaha wakiilladu ku wareejinayeen qaadhaanka lacageed ee ay goluhu ku deeqeen oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada oo ay madaxweyne-ku-xigeenka ku wehelinayeen xubno kamid ah guddida abaaraha, ayaa waxa halkaas laga jeediyey hadallo kooban oo loogu mahadnaqayo xubnaha golaha wakiillada sida ay xilka isaga saareen inay qayb ka qaataan gurmadka abaaraha dalka ka jira, islamarkaana lagu hogo-tusaalaynayo in si habsami leh looga wada qayb qaato loona wada guntado sidii gacan looga geysan lahaa biyo iyo baad laโ€™aanta ay abaartu sababtay.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ahna guddoomiyaha guddida abaaraha, ayaa golaha wakiillada ku ammaanay is xilqaanka iyo qaadhaanka ay guddida gurmadka abaaraha gaadhsiiyeen, isaga oo guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed dhinaciisa hoosta ka xarriiqay inay gole ahaan xil weyn iska saareen inay dadkooda abaarta ku tabaaloobay wixii awooddooda ah gaadhsiiyaan qaadhaan loogu gurman karo.