Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo shacabka reer Ceerigaabo la shaaheeyey, Ceel cusub oo duleedka magaalada ahna xadhigga ka jaray

Ceerigaabo – (WARSOOR)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida abaaraha heer qaran, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayaan xubno kamid ah weftiga uu hoggaaminayo ee socdaalka indho indhaynta ah ku marayey gobollada bariga, ayaa maanta la shaaheeyey bulshada ku dhaqan magaalada Ceerigaabo, isaga oo sidoo kalena xadhigga ka jaray Riig-biyood bulshada muhiim u ah uu duleedka magaalada laga hirgeliyey.

Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa guul ku tilmaamay in duleedka magaalada laga hirgeliyo Riig biyood ay bulshadu cabbaan, kaas oo kaabiga ku haya magaalada, waxana wehelinayey wasiirka horumarinta Biyaha, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Marreexaan), badhasaabka gobolka Sanaag, iyo maayarka degmada Ceerigaabo.