Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo safar shaqo Gobolka Saaxil

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo saaka safar shaqo ugu tagay magaaladda Berbera ee Gobolka Saaxil ayaa soo kormeeray mashaariic horumarineed oo laga hir-geliyay magaaladda Berbera, sidoo kale waxa uu dawladda hoose ee Berbera ka dhagaystay warbiximo la xidhiidha waxqabadkooda sannadlaha ah ee mashaariicda uu ka caawiyo barnaamijka horumarinta dawladdaha hoose ee JPLG-gu.

Waxaanu Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland halkaa khudbad uga jeediyay masuuliyiinta gobolka iyo maanulka dawladda hoose ee Berbera isagoo xusay sida ay lagama-maarmaanka u tahay in magaalooyinku ka faa’idaystaan barnaamijka tababarka iyo horumarinta isugu jira ee JPLG-ga loo yaqaanno, waxaanu kula dar-daarmay casriyaynta adeegyadda ay bixiyaan iyo huf-naan shaqo.