Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo masuuliyiinta gobollada Sanaag iyo Badhan ku wareejiyey Qaadhaankii xukuumaddu ugu talo gashay gurmadka abaaraha

Ceerigabo – (WARSOOR) – Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida abaaraha heer qaran, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta badhasaabbada gobollada Sanaag iyo Badhan ku wareejiyey qaadhaankii ay xukuumaddu ugu talo gashay gurmadka abaaraha ee bulshada ku dhaqan labadaas gobol

Madaxweyne-ku-xigeenka iyo wefti uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa maanta guddoomiyaha gobolka Sanaag ku wareejiyey lacag dhan$167000 (Boqol iyo toddoba iyo lixdan kun) oo dollar, halka guddoomiyaha gobolka Badhanna madasha lagu guddoonsiiyey qaadhaan lacageed oo dhan $65000 (Shan iyo lixdan kun) oo dollar, taas oo ah qaadhaanka ay xukuumaddu u qorshaysay gurmadka abaarta waqtigan jirta.

Dhinaca kale waxa ay guddidu halkaas kaga dhawaaqday in xukuumaddu ay raashin siinayso 4500 (Afar kun iyo shan boqol) oo qoys, kuwaas oo ku nool gobollada Sanaag iyo Badhan, gaar ahaan dadka intooda jilicsan.