Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo Mashaariic Cusub Dhagax-dhigay Qaar Kalena Xadhiga Ka Jaray

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafti uu hogaaminaayo oo safar shaqo ku marayay goboladda galbeedka Somaliland ayaa soo kormeeray mashaariic horumarineed oo laga hir geliyay magaaladda Boorama ee Xarunta gobolka Awdal.

Mashaariicda Madaxweyne ku-xigeenku soo kormeeray islamarkaana qaarkood xadhig-ka jaray ayaa ka koobnaa xarumo Caafimaad, kuwo Waxbarasho iyo wadooyin dhex mara gudaha magaaladda Boorama oo dhamaantood laga maal-galiyay mashruuca horumarinta degmooyinka ee JPLG-ga.