Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan la qaatay guddida joogtada ah ee golaha wakiillada

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo hoggaaminaya xubnaha guddida gurmadka abaaraha heer qaran, ayaa maanta kulan la qaatay guddida joogtada ah ee golaha wakiillada.

Kulankan, ayaa diiradda lagu saaray is xog-waraysi xaaladda abaarta ee dalka ka jirta iyo dardargelinta gurmadka abaarta, iyada oo la isla gartay in si xilkasnimo leh la isaga wada xilsaaro taakulaynta dadka iyo duunyada ay abaartu taabatay.

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap