Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhagax dhigay dhismayaal casriya oo loo hirgalinayo Dawladda Hoose ee Hargeysa

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ay wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guryeynta Cabdilaahi Abokor Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Cilmi, Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, Maamulaha Guud ee shirkadda Geosol Ibraahim Yuusuf Ciise iyo Xoghaya Dawladda Hoose ee Hargeysa Siciid Nuur Jaamac ayaa maanta dhagax dhigay dhismayaal casriya oo loo hirgalinayo Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Dhismayaashan oo ka kooban saddex qaybood ayaa u qaabaysan laba qaybood oo min laba dabaq ah iyo dhisme saddex dabaq, ah waxaanay ka koobanyihiin goobihii dadka loogu adeegayay, hoolkii shirarka iyo wufuudda iyo xafiisyada ay ku shaqaynayaan hawl-wadeennada iyo madaxda sare ee DDH, iyadoo aanay ka madhnayn goobihii dadweynuhu ku nasanayeen oo iridda hore ee dhismaha loo qaabeeyay.

Dhismahan oo ku kacaya lacag dhan 1.3 milyan doolar ayaa waxa maal-galinaysa shirkadda Geosol oo wada shaqayn baaxad leh ay leeyihiin Dawladda Hoose ee Hargeysa. Waxa xusid muddan dhisma xarunta Dawladda Hoose la dhisay sannadkii 1953-kii tan iyo wakhtigaana aanu helin dhisme kordhin baaxadan leh, waxaanu kamid noqonayaa dib-u-habaynta baaxad leh ee ka socota Dawladda Hoose, taasi oo qayb ka noqon doonta dedejinta shaqada, hufnaanta iyo habsamida hawlaha shaqo ee loo fidinayo muwaadiniinta ku dhaqan Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Geesta kale dhismihii taariikhiga ahaa ee Dawladda Hoose ayaa dib-u-habayn lagu samayn doonaa si aanay u lumin raadadka taariikhiga ah ee Qaranku.