Madaxweyne Farmaajo oo manta si rasmi ah u furay kalfadhigii koowaad ee baarlamaanka

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga  furay kalfadhigga koowaad ee golaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Hadal gaaban oo uu Mudane Farmaajo ka jeediyay golaha baaralaanka,waxa uu hambalyo iyo bogaadin u jeediaya xildhiaabada cusub ee goalaha, isagoo xusay in ay ka dhabeeyeen ballanqaadyadii agaa in la helo isbadal cusub oo u daneeyay dadka iyo dalka.

 

Madaxweynuhu waxa uu qoray in ay lagama maarmaan tahay in shacbiga Soomaaliyeed loo ilaaliyo ammaanadii ay u dhiibteen madaxda dalka,wuxuuna codsaday in dadka Soomaaliyeed ay gacan ka geystaan la dagaalanka cadowga iyo guud ahaan horumarinta dalka.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ka waramay abaaraha ka jira gudaha dalka soomaaliya,isagoo soo jeediyay in ganacsatada iyo dadweynaha kaleba ay gacan ka geystaan wax u qabashada dadka la ildaran abaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo,waxa uu caddeeyay in la sameyn doono isbadal dhqso leh,isla markaana dowladdu ay ku dadaaleyso dardargelinta howlaha ,gaar ahaan sidii loo heli lahaa dhaqaale wax ka tara dhinacyada mushaarooyinka iyo daryeelka xildhibaanada.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.