Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Ra’iisal Wasaare Cusub Dhalinyaro ah

Muqdisho – (warsoor) – War kooban oo ka soo baxday xarunta Villa Soomaaliya ayaa madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Md. Farmaajo waxaa uu Ra’iisal Wasaare u magacaabay Xasan Cali Khayre oo ah nin dhalinyaro ah.

Magacaabistan Ra’iisal wasaaraha ayaa soo baxday ka dib markii la soo gabo-gabeeyey xafladdii caleemo saarka ee madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Farmaajo ayaa bartiisa twitter saaka ku shaaciyey magacaabista Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Waxaan xilka Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Mudane Xasan Cali Khayre. Alle ha u fududeeyo hawsha culus. Waxaan codsanayaa in lala shaqeeyo”.

Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo ah nin dhalinyaro ah oo saaxadda siyaasadda Soomaaliya ku cusub maalmihiii u dambeeyeyna magacaabistiisa la isla dhex socday ayaa ahaan jiray madaxihii hay’adda gargaara ah ee NRC ee Soomaaliya iyo Yeman.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa hadda ahaa maamulaha shirkadda shidaalka ee Somali and  Oil Gas.

Md. Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilka loo dhiibay, waxaanu ummadda Soomaaliyeed ka codsaday inay la shaqeeyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.