Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhinacyadii horay ugu dagaalamay Magaalada Marka

Marka – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka magaalada Marka kula kulmay dhinacyadii ku dagaalamayay magaalada marka oo dhowaan ay heshiisiiyeen ciidanka 14-ka October ee xoogga dalka.

Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo Madaxweynaha dalka ayaa khudbad u jeediyay dhinacyadaan oo uu kula kulmay meel fagaaro ah, iyadoo madaxweynuhu uu kula dardaarmay in aysan dib ugu laaban kala qaybsanaantii Qabiilka iyo colaadihii mudada dheer soo jiitamayay.

Guddoomiyaha magaalada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose Xasan Cumar Macalin oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay dhinacyada uu la kulmay madaxweynaha inay aad u soo dhoweeyeen dadaalada dowladda ay ku bixinayso xal u helida magaalada Marka.

Dhanka kale,Waxgaradka iyo Nabadoonada magaalada Marka ayaa soo dhoweeyay dadaalada Dowladda,islamarkaana haatan magaalada Marka uu ka jiro isbadal aad u balaaran, isla markaan ay rajo wayn ka qabaan inay magaalada noqoto mid nabdoon.

Maxamed Maxamuud Cosoble ayaa xusay in magaalada ay wax badan ka badaleen ciidanka 14-ka October, kuwaasi oo ku guulaystay inay ammaanka magaalada sugaan sidoo kalana ay kala qaadaan oo nabad ay dhex dhigaan maleeshiyaadkii isku haystay magaalada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shalay tagay magaalada marka ayaa xalay ku hoday magaaladaas iyadoo madaxweynuhu uu la kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshada.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.