Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

Jabuuti – (warsoor) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho rasmi uga bilaabatay dalka Jabuuti ayaa galabta la kulmay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Geelle ayaa Madaxweyne Farmaajo ku soo dhoweeyay qasriga Madaxtooyada, halkaasoo salaan sharaf uga qaatay Ciidanka jamhuuriga.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ee labada dal u dhaxeeya iyo danaha labada dal, waxaa ay isla soo qaadeen arrimaha siyaasada, amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad celiyay Jabuuti, doorka ay ka qaadaneyso nabad ku soo dabaalida Soomaaliya, iyadoo kumanaan askari u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasoo qeyb k ah howl galka nabad ilaalinta AMISOM.

Labada Madaxweyne ayaa markii uu soo dhamaaday kulan ay qaateen waxay qabteen shir jaraa’id oo wada jir ah oo ay ugu hadleen arrimo kala duwan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb geli doona furitaanka deked cusub oo dhowaan xariga laga jari doono, sidoo kale waxaa uu khudbad ka jeedin doonaa Xarunta Baarlamaanka Jabuuti.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.