Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshey xubno ka socoday Qurba Joogta

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaako ayaa maanta kulan qado sharaf ah la yeeshey xubno ka socoda Qurba Joogta Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Ujeeddada kulanka ayaa waxay aheyd sidii Qurba Joogta Soomaaliyeed ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya,iyagoo Madaxweynaha Soomaaliya uga xog warramay xaaladaha kala duwan oo ay ku sugan yihiin Soomaalida Qurbaha kunool.

Dhageysiga argtida Qurba joogta kadib ayuu dhankiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Faraamjo uga warramay xaaladda guud ee dalka iyo horumarada ay ku talaabsatay Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulanka ka sheegay in ay jiraan fursado u banaan dadka Qurbaha kunool ee Soomaaliyeed taasi oo ah in ay dowrkooda wadaniyadeed ay ka qaataan sidii maalgashi ugu sameysan lahaayeen Dalkooda.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmajo ayaa sheegay in Soomaaliya horey ay u socota, dowladduna dadaal ugu jirtaa sidii Dalka horumar loo gaarsiin lahaa ,Qurba joogta dowrkoodi ay muujiyaan,islamarkaan waaya aragnimadoda iyo aqoontooda ay dalka ku soo celiyaan.

Sanadihii ugu dambeeyey waxuu dalka  ka soo kabsanayay burburkii dhoor iyo labatankii sane ee la soo dhaafay ka jiray, waxaa hada muuqanaysay in qurba joogta Soomaaliyeed ay kaalintoodi ka qaadanayeen sidii dalka loo maalgelin lahaa,iyagoo ku lug leh mashaariic horumarineed oo ka socota guud ahaan dalka.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.