Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in loo midoobo la dagaalanka Al-shabaab

Muqdisho (warsoor) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al-shabaab dhibaato ku hayaan qaranimada Soomaaliya loona baahan yahay in meel looga wada soo jeesto dagaalka lagula  jiro nabad diidka argagaxisada ah ee  Al-shabaab.

Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya xili uu sheelay khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa dastuurina ah ka hor jeedinaayay munaasbadii lagu furayay kalfadhigii sedexaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayuu tilmaamay Madaxweyne Farmaajo in Dalku ku jiro dagaal kaasoo dowladda Federaalka Soomaaliya kula jirto maleeshiyaadka nabad iyo nolal diidka ah ee Al-shabaab kuwaas oo wali ku dhuumaalaysanaya meelo kamid ah dalka.

Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha qaranka Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay bixiyaan canshuuraha Dalka si looga maarmo ku tiirsanaashaha kaalmada shisheeye dowladuna u bixiso qarashaadka Ciidamada Qaranka “ayuu yiri” mudane Farmaajo.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa shalay khudbad taariiqi ah oo taabanaysa dhinacyo kala duwan kuna saabsan xaaladda guud ee Dalka ka hor jeediyay furitaanka kalfadhigii sedexaad ee Golaha shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya kaaso ahaa mid dastuuri ah.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.