Madaxweyne Farmaajo oo Ka Qeyb Munaasabada Xuska Sannad Guuradda 62-aad ee Aasaaska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qayb galay Munaasabadda Xuska Sannad Guurada 62-Aad ee Aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhamman Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alifleyda, Dablayda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan oo ay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku soo bandhigeen dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyey, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyey waxa uu ka warramay muuhiimadda ay leedahay xuska 12-ka Abriil, taariikhda iyo mabaadi’da uu u aasaasan yahay Ciidankeenna geesiyaasha ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Munaasabadda 12-ka Abriil waa maalin weyn oo ku suntan gobannimo iyo dowladnimo. Waa maalintii la aasaasay Ciidankeenna Geesiyaasha ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ah astaan qarannimo iyo midnimo, oo u taagan difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo haybadda Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka warbixiyey dadaalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixisay dib-u-dhiska Ciidanka, joogtaynta xuquuqdiisa iyo soo celinta haybaddii uu lahaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhammaan laga wada qayb qaato dadaallada dib-u-dhiska ciidanka iyo xoraynta dalka.

“Markii aannu xafiiska nimi, ciidanku ma lahayn gal iyo diiwaan sugan toona, taasoo horseedday in la musuqmaasuqo xuquuqda ciidanka. Si wax looga qabto dhibaatooyinkaas, waxaannu guud ahaan Ciidanka ku samaynay tirakoob iyo diiwaangelin casri ah. Waxaannu kor u qaadnay tababarrada, qalabaynta, tayaynta iyo kordhinta tirada ciidanka. Kumannaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah ayaa tababarro heerkoodu sarreeyo ku qaatay dalka gudihiisa iyo dibadda. Sidoo kale, waxaa kor loo qaaday miisaaniyadda ciidanka, iyada oo la kordhiyey lana jooogteeyey mushaharka Ciidanka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Ciidan Xoogga Dalka Soomaaliyeed xaqiijinta amniga dalka, difaaca Xuduudaha dalka iyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada caadeysatay gumaadka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo u duceeyey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee u shahiidday iyo kuwii u dhaawacmay difaaca dalka iyo ilaalinta badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiya Golaha Shacabka BFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaarihii Hore Mudane Cali Maxamed Geeddi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidammada, Xoogga Dalka, Booliska, Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Xildhibaanno ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Madax ka socotay saaxiibbada caalamka ee Soomaaliya.