Madaxweyne Farmaajo oo Fahad Yaasiin u magacaabay la-taliyaha Amniga Qaranka

MUQDISHO – (WARSOOR) –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u magacaabay hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Gaashaanle Sare Yaasiin Fareey, waxaana warka ka soo baxay Villa Soomaaliya lagu sheegay inuu xilka iska casilay Fahad Yaasiin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Fahad Yaasiin u magacaabay la-taliyihiisa Amniga Qaranka.

Wuxuu sidoo kale Farmaajo la-taliyihiisii hore ee Amiga Qaranka Cabdisaciid Muuse Cali u magacaabay agaasimaha madaxtooyda oo uu muddo dheer si ku-meelgaar u hayay Cabdinuur Maxamed Axmed.

Qoraalka ka soo baxay xaafiiska madaxweynaha ee Villa Somalia ayaa sidan u qorna:-

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo Kusimaha HNSQ.

Muqdisho, Sebteembar 7, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya darda-gelinta, horumarinta iyo joogtaynta hawlaha baaxadda leh ee horyaalla hay’adaha amniga, waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray qodobadan;

  1. Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda.
  2. Madaxweynaha Farmaajo ayaa u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka.
  3. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka.
  4. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeerayaa kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18ka Sebteembar 2021, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap