Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib shirkii magaalada Garowe.

Madaxweynaha Puntland oo Sagootiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee caasimadda Garoowe ku Sagootiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo muddo sagaal cisho ah Garoowe u joogey shirkii Wada-tashiga Madaxda Soomaaliyeed.

Sagootinta weftiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowlad Goboleedka Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.