Madaxweyne farmaajo “dowladeyda waxa ay ahmiyada kowaad siineysaa gurmadka abaaraha”

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweyanaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliyeed Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa ka Warbixiyey Kulan uu  la qaatay Xogahayaha Guud ee Qaramada  Midoobay iyo Wafdi uu hogaaminayey.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Kulankooda ay uga wada hadleen xaalada abaaraha ee ka jira Dalka Soomaaliya asaga oo xusay in ay xaalada abaaraha siinayaan Ahmiyada kowaad si loo badbaadiyo dadka ay abaaraha Saameeyeen.

Madaxweynaha ayaa xusay in ay dowladiisa Muhiimada gaar ah siineyso caawinaad dadka ay aabaraha saameeyeen asaga oo xusay in Qaramada midoobayna ay ku gacan siineyso taakuleynta Dadka ay abaaraha Saameeyeen.

Dhanka kale Xogahaya Guud ee Qaramada Midoobay ayaa booqanayo magaalada Baydhabo ee gobolka Baay iyadoo ay magaaladaas iminka ka socdaan diyaar garow lagu soo dhaweynayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.