Madaxweyne Farmaajo “Dhallinyarada ay marin habaabiyeen Shabaab waxa ay heystaan fursad ay isku soo dhiibaan”

Muqdisho – (warsoor) – Munaasabadan oo loogu dabaal degayay xuska 57 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka xoogga dalka Somaaliyeed oo ku beegan 12-ka April, laguna qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Difaaca, Wasiiro, Xildhibaanno, Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida, Diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo xafladda lagu casuumay.

Ciidammada Xoogga qeybahooda kala duwan ayaa waxa ay goobta ku soo bandhigeen gaaddo ka cayar, iyagoo watay gaadiidka gadaalka, waxaana dusha sare ka eeganayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha guud ee ciidammada Qalabka sida, oo  ay wehliyaan Ra’iisul wasaaraha, Wasiirka Gaashaandhigg iyo Taliyaha Ciidammada Xoogga oo dhammantood ku labisan Tuutaha Xoogga dalka.

Suugaan iyo Riwaayado ka turjumaya xuska maalinta ciidanka xoogga dalka waxaa goobta ku so bandhigay Fannaaniinta kooxda Horseed ee ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Axmed Jimcaale Geeddi oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda ayaa ka sheekeeyay taariikhda ciidanka xoogga dalka iyo ujeedooyinka laga lahaa aas aaskooda.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed ayaa hambalyo kadib sheegay in ciidanka xoogga dalka looga baahanyahay inay Ummadda ka dulqaadaan dhibta ay ku hayaan argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee ciidammada Qalabka sida Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in dowladda ay si joogta ah u bixin doonto xaquuqda ay leeyihiin ciidamada, isagoo hambalyo ku aadan munaasabadda maanta u diray ciidamada xoogga dalka

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in uusan iclaamin dagaal balse u jeedka uu ahaa u diyaar garowga sidii dalka looga xoreyn lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaaab, shacabkuna ay gacan ku siiyaan ciidamada.

“Aniga ma iclaaminin dagaal ee waxaan sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, waana inaa u diyar garownaa sidii aan dalkeenna uga qabsan  lahayn Al-Shabaab, dowladda waxaa ka go’an iyadoo dagaal ku jirta in ay dhaqaalaha kobciso, shaqo abuur sameyso,  dowladda iyo shacabka haddii ay meel ka soo wada jeestaan waan ku guuleysan karnaa hiigsigisaasi” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa u yeeray saraakiishii hoggaamineysay dagaalkii Al-Shabaab looga saaray Muqdisho intii ay socotay munaasabadda xuska ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in ragga uu u yeeray ay yihiin saraakiishii ugu hoggaanka fiicneyd, sidaas darteed waxa ay markale  sameyn doonaan qorshe adag oo ka dhan ah Al-Shabaab, si dalka looga saaro.

Madaxweynaha ayaa markale ugu baaqay dhallinyarada ay marin habaabiyeen Al-Shabaab inay isku soo dhiibaan dowladda, waxaana uu u balan qaaday inay heli doonaan daryeel iyo mustaqbal wanaagsan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa u yeeray Gabar ka tirsan Xoogga  dalka oo ku dhaawacmatay dagaal, waxaana uu sheegay in dowladda ay caafimaadkeeda dammaanad qaadeyso Gabadhaasi.

Maanta oo kale sanadkii 1960-kii ayay ahayd markii la aas aasay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ka soo wareegatay aas aaskooda 57-sano.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.