Madaxweyne Deni oo iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab

Garoowe – (warsoor) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay in Puntland ay qaadi doonto guluf ciidan, oo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha Puntland oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Garoowe ayaa tilmaamay in Ciidanka Puntland ay u diyaargaroobeen, sidii ay Shabaab uga saari lahaayeen deegaanada ay kaga sugan yihiin Puntland.

Madaxweynaha ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dagaalka lagula jiro Ururka Al Shabaab, si buu yiri looga xoreeyo dhulka Puntland.

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Deni sheegay in loo baahan yahay inay isu tashato Puntland, isla-markaana ay ammaankeeda ku filnaato, waxaana uu ku celiyay in shacabka iyo ciidanka uu faraayo inay wada shaqeeyan.

Shabaabka ayaa xilliyada qaarkood qaraxyo iyo dilalba ka gaysta magaalooyinka waaweyn ee Puntland.