Madaxweyne Deni oo goobjoog ka noqday heshiis ku kacaya $7.4 Million oo ay kala saxiixdeen labadiisa wasaaradood

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta goobjoog ka ahaa heshiis dayactir ah wadooyinka Puntland lagu sameynayo, kaas oo ku kacaya $7.4 Million, waxaana la sheegay in lacagtaas ay bixinayso Puntland .

Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasaaradda Maaliyadda oo bixinayso Lacagta iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gadiidka oo fulinaysa, waxaana u kala saxiixay labada Wasiir ee Wasaaradahaasi Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Mudane Axmed Bashiir Muuse iyadoo sidoo kale uu kulanka  ka qeybgalay Wasiirka Qorsheynta Mudane Cabdiqafaar Xaange.

Wadooyinka la dayactirayo ayaa kala ah:

Juurile- Boosaaso

Qardho – Garoowe

Garoowe- Brita dheer

Garoowe-Falaryaale.

Qorshaha horumarinta kaabayasha dhaqaalaha wuxuu qeyb ka yahay siyaasada tayeynta iyo horumarinta Puntland, waxaana kharashka ku baxaya dhammaan dayactirka wadooyinka oo dhan $7.4 Million bixinaysa Dowlad goboleedka Puntland .