Madaxweynaha Soomaaliya oo Lagu Soo Dhaweeyey magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudiga Carabiya

Jeddah – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya, iyadoo halkaas si-weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxay u sii gudbeen magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukarramah halkaas oo uu uga qeyb gali doono Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale isla Magaaladda barakeysan ee Makka kaga qeyb gali doono maalinta barri ah Shir Madaxeed aan caadi ahayn oo ay isugu imaanayaan Madaxda Dalalka Jaamacadda Carabta, kaas oo lagaga wada hadlayo xaaladaha ugu danbeeyey ee Dalalkaas, danaha wada jirka ah ee ka dhaxeeya iyo sidii loogu midoobi lahaa dhibaatooyinka iyo caqabadaha ku xeeran dowladaha iyo shucuubta Carbeed.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.