Madaxweynaha Somaliland oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Gobolka Sanaag mid Cusubna Magacaabay

HARGEYSA – (WARSOOR) –

Wareegtooyin Madaxweyne: 01/12/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-786/122021 iyo JSL/XM/WM/222-787/122021 uu Xilka qaadis ku sameeyey gudoomiyihii gobolka Sanaag Maxamed Cilmi Xuseen.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Waxaanu u magacaabay guddoomiyaha cusub Axmed Cabdi Muuse Warsame iniiblaga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.