Madaxweynaha Somaliland oo Wareegto Ku Mamnuucay Ka qayb-galka Siyaasadda Soomaaliya

HARGEYSA – (WARSOOR)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray wareegto madaxweyne oo lagu mamnuucayo ka qayb-galka siyaasada iyo doorashooyinka ka socda Soomaaliya.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Biixi ayaa lagu yidhi sidan:

“Qof kasta oo u dhashay Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Labada Gole.”