Madaxweynaha Somaliland oo uu xilka qaadis iyo magacaabid Sameeyey

HARGEYSA – (WARSOOR) – WAREEGTO MADAXWEYNE: 15 /08/2022
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-921/082022 iyo JSL/XM/WM/222-922/082022 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sanaag.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Maxamed Khaliif Nuur;
Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Sanaag

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka.
Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad u shaqaysay Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Jaamac Maxamuud Warsame laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

This post is also available in: Somali

Share via
Copy link
Powered by Social Snap