Madaxweynaha Somaliland oo U Mahadnaqay Dawladda iyo Shacabka Dawlad Deegaanka Soomaaliyeed ee Itoobiya

Adis Ababa – (warsoor) – Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay uga mahadcelinaysaa Dawladda Federaal-ka iyo shacabka Itoobiya sidii milgaha iyo maamuuska lahayd ee ay u soo dhaweeyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga ballaadhan ee uu hogaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay soo dhawaynaysaa, lana qabtaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed in Geeska Afrika noqdo meel nabad ah. Dalalka Geeska Afrikana iyadoo mid walba la qadarinayo jiritaankooda dhuleed iyo madax-bannaanidooda qarannimo, in ay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarka mandaqadda.

Shirkii weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia waxa la isku af-gartay in arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal iyo fagaare caalami ah, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara colaado cusub iyo xasarado hor-leh oo ka curta Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaanna dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo ay hore u dhex-mareen colaado lagu hoobtay.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku aas-aasantay go’aan shacbi, waxaanay tixgelinaysaa deris-wanaagga iyo nabad ku-wada-noolaanshaha waddamada deriska ee geeska Afrika iyo kuwa beesha caalamka. Balse wada-hadal iyo nabad waarta waxay ku imanayaan Soomaaliya oo ka waantowda been abuurka, cadaawadda, iyo colaadda ay u hayso shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo horumarkooda.

ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame JaamacAf-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.