Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka Reer Berbera Kala Qayb-galay Tukashada Salaadda Jimcaha

Berbera – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil kala qayb-galay tukashada salaadda Jimcaha.

Madaxweynaha oo weli ku gudo jira safarkiisa shaqo ee uu ku marayo gobollo kamid ah dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta salaadda Jimcaha shacabka kula tukaday masji-jaamaca weyn ee magaalada Berbera oo ay buux-dhaafiyeen dadweyne aad u tiro badan.

Shacabka maanta ku sugnaa masjid-jaamaca weyn ee magaalada Berbera, ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin inuu madaxweynuhu kala qayb-galo salaadda Jimaca, waxana ay fursad u heleen inay madaxweynaha salaamaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.