Madaxweynaha Somaliland oo Safar Saaka Ugu Kicitimay Addis Ababa

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo oo ay weheliyaan Marwada kowaad ee qaranka Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde,  iyo gudoomiyaha Xisbi xaakimka kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, xubno ka mida golaha wasiirada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, ayaa safar shaqo ugu baxay maanta oo jimce (28/10/2016) ah dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.

Safarkaasi oo qaadan doona maalmo kooban waxa uu madaxweynuhu la kulmayaa ra’isal wasaaradaha dalka itoobiya Hailemariam Desalegne.

Waxaana saxaafadda uga warbixyey safarka madaxweynaha Afhayeenka Madaxtooyada Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr).

dsc_0000-1

Madaxweynaha ayaa la filayaan inuura’isal wasaaradaha dalka itoobiya Hailemariam Desalegne kala hadlo arimo la xiddhiidha ganacsiga, amaanka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada maamul.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.