Madaxweynaha Somaliland oo Kulan Waddatashi Ah La Yeeshay Ganacsatadda Xoolaha

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silanyo ayaa Isniinta Qasriga Madaxtooyada kulan ballaadhan kula qaatay Ganacsatada waaweyn ee reer Somaliland ee Xoolaha nool ka dhoofiya Berbera iyo Wasiirada Xanaanada Xoolaha, Maaliyada, Arrimaha Dibedda iyo Ganacsiga.

Ujeedada ugu muhiimsan ee uu Madaxweynuhu kulanka u qabtay waxay ahayd si uu xog iyo xaqiiqo dhamaystiran uga helo arrinta la xidhiidha tallaabadii ay Wasaaradda Beeraha iyo Degaanka ee Boqortooyada Sucuudigu ku  joojisay Xoolahii ugu soo dhoofi  jiray Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu warbixin faah-faahsan oo arrintan khusaysa ka dhagaystay Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo khubaro kale oo ka tirsan Wasaarada oo aqoon dheer u leh caafimaadka iyo faya-qabka Xoolaha, kuwaasoo si qoto dheer uga warramay in gebi ahaanba Xoolaha dalkeena ka dhoofaa ay yihiin xoolo caafimaad qaba. Sidoo kale Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo khubaradiisu waxay Madaxweynaha u sheegeen in Maxjarrada Dalkeena ee Xoolaha lagu baadho ka hor intaan Markabka  la saarin ay yihiin Maxjarro tayadooda iyo farsamadooduba ay la mid yihiin kuwa Caalamka.

qasriga _madaxtooyadda

Wasiir Cabdillaahi Cukuse waxa kale oo uu ka warramay saamaynta dhaqaale ee joojinta dhoofka Xoolaha nooli ay ku yeelan karto xoolo dhaqatada, suuqyada ganacsiga xoolaha iyo guud ahaanba dakhligii Qaranka ka soo geli jiray dhoofka Xoolaha nool.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inay ka Wasaarad ahaan ay baaq u direen urrurada Caalamiga ah ee ku takhasusay caafimaadka Xoolaha sida OIE, FAO iyo AU-IBAR isla markaana ay ka dalbadeen in ay warbixin dhamaystiran oo ay ku qancinayaan Dawladda Sucuudiga ka sameeyaan faya-qabka iyo xaalada caafimaad ee Xoolaha nool ee JSL.

Waxa iyaguna kulankaa ka hadlay Wasiirrada Maaliyada, Arrimaha Dibedda iyo Ganacsiga oo si qoto dheer uga warramay muhimadda ay Xoolaha nooli uu leeyihiin dhaqaaleheena iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ee dalka.

Dhinaca kale, waxa iyaguna warbixin faah-faahsan Madaxweynaha siiyey Ganacsatada waaweyn ee Xoolaha nool dhoofiya oo si mug leh uga xog warramay dhibaatooyinka iyo caqabadaha  haysta iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay in Xukuumad iyo Ganacsataba la iskaga kaashado sidii looga dagaalami lahaa joojinta dhoofka Xoolaha nool. Waxa kale oo ay Ganacsatadu hoosta ka xarriiqeen in Dawladda Sucuudiga lagu qanciyo in Xoolaha nool ee ka soo dhoofa Somaliland ay yihiin kuwo gebi ahaanba caafimaad qaba.

Guntii iyo gebagabadii Madaxweynuhu wuxuu magacaabay guddi ka kooban 5 Ganacsade oo Xoolaha nool dhoofiya iyo 4-ta Wasiir ee ay arrintani sida tooska ah u khusayso. Madaxweynuhu wuxuu masuuliyiinta Qaranka iyo Ganacsatadaba kula dardaarmay inay si dhab ah oo qoto dheer uga hawl galaan sidii Xoolaheena dib loogu furi lahaa iyo in la raadiyo suuqyo kale oo Xoolaheena nool mustaqbalka loo iib geyn karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.