Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Qaramada Midoobay

Hargeysa – (warsoor) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, ahna isu-duwaha arrimaha Gargaarka Binu’aadam-nimada Mr. Peter de Clercq.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland maanta, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, horumarinta caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf iyo guddoomiyaha hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Keydka raashinka qaranka, mudane Faysal Cali Sheekh, waxaana ay labada dhinac kulankooda kaga wada-hadleen xaaladda guud ee dalka Somaliland, iyaga oo si gaar ah ahna diiradda u saaray xaaladda abaareed ee kasoo cusboonaatay meelo badan oo dalka ah, waxaana  la isla gorfeeyey baahida loo qabo inay qaramada midoobay kaalin buuxda ka qaadato xaaladda abaareed ee soo cusboonaatay.

Waxyaabaha kale ee kulankan lagaga wada-hadlay, ayaa waxa ka mid ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa saamiga ay qaramada midoobay ku taageerto Somaliland, Mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka fuliyaanna la gaadhsiiyo gobollada Bariga dalka, isla markaana laga haqab-tiro adeegyada Aas-aasiga u ah nolosha bulshada, shaqo-abuurka dhallinyaradana ay gacan buuxda uga geysan lahaayeen.

Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, ahna isu duwaha arrimaha gargaarka Binu’aadam-nimada Mr. Peter De Clercq, ayaa isaguna soo dhaweeyey dhammaanba qodobada uu madaxweynuhu kala hadlay, diyaarna u yihiin fulintooda, qiimaynna ku samayn doonaan xaaladda abaareed ee jirta, isagoo la kaashanaya hay’adaha u xilsaaran, sidoo kalena qayb ka noqon doonaan hirgelinta qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (NDPII). Waxaanu madaxweynaha Somaliland si gaara ugu hambalyeeyey doorka muuqda ee dhalinyaradu kaga jirto siyaasada Somaliland iyo fursadaha uu siiyey madaxweynuhu da’a yarta dalka.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa markii kulankaasi soo dhammaaday warbixin kooban ka bixiyey kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga ka socda qaramada midoobay, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweynaha iyo ku-xigeenka  Ergayga gaarka ah ee jimciyadda quruumaha  ka dhexaysa u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay ka wada-hadleen xaaladda imika taagan ee abaaraha iyo sida loogu baahan yahay in  la iska kaashado sidii arrinkaas wax looga qaban lahaa waqtigan iyo mustaqbalka dambeba.”

Dhinaca Weftiga waxa ku wehelunaayey ku xigeenka Ergayga.

  1. La-taliyaha isku-duwaha ee degaanka, Govin Roy,
  2. Kaaliyaha Gaarka ah ee DSRSG / HC / RR, James Eberlein,
  3. Madaxa xafiiska Somaliland, UNSOM, Jeff Sims
  4. Madaxa isuduwidda OCHA, Edmore Tondhlana, iyo
  5. Ilias Dirie, oo ka socday ILO

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee warkan:

 

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.