Madaxweynaha Somaliland oo Kulan La Qaatay Madax-dhaqameedka degoomiyinka Xudun iyo Taleex oo Dhawaan Shaqaaqo ku dhex martay deegaanka Dharkeyn-geeye

Hargeysa – (warsoor) – Odayaal iyo wax garad ka socday beelaha dhawaan dirirtu ku dhex martay degaanka Xudun iyo Taleex ayaa maanta 07.14.2016 qasriga madaxtooyadda shir turxaan bixin ah kula yeeshay madaxweynaha Somaliland. Kulanka oo ahaa mid ay odayaasha labada beelood si gaar ah ula yeesheen madaxweynaha iyaga oo mudooyinkii u danbeeyey ku sugnaa magaaladda Hargeysa waxa ay isla qaateen qodobo laysku af-gartay.

Kulanka waxa faahfaahin ka bixiyey wasiirka warfaafinta Somaliland iyo odayaasha labadda dhinac ka soo jeeda oo ku dheeraaday muhiimada uu lahaa fadhiga ay la yeesheen madaxweynaha Somaliland, iyaga oo iska daba maray waxyaabihii ay isla qaateen madaxweynaha.

Wasiir Cadaani oo saxaafadda kula hadlay barxadda hore ee maaxtooyadda ayaa sheegay “Waxa ay bookhashadasi ay daarnayd in ay madaxweynaha soo salaamaan siina wada dardaarmaan maadama oo ay ku noqonayan degaamadii ay ka yimaadeen ee degmadda Xudun. Waxa ay madaxweynaha ka wada hadleen dhawr qodob si fiicana ay isku af-garteen waxay ka wada hadleen qodob ay ka mid tahay:  Turxaan bixinta iyo nabadaynta iyo heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee degan jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaana hawlaha ka socda Dharkayn-geeyo, hawlaha ka socda Taleex”

Mid ka mid ah madax-dhaqameedkii goob jog ahaa ayaa isna dhankiisa ka hadlay waxyaabaha kulanka madaxweynaha ay la qaateen uu daarnaa “Kulanka aanu la qaadanay madaxweynaha waxa aasaas u ahaa in laga balamo sidii loo heli lahaa loona xoojin lahaa heshiiska walaalnimo ee halkan ka dhacay waanu qaadanay wixii nagaga haboona waanu qaadanay waanan ka balanay. Waxa kale oo madaxweynaha iyo wasiiraduba ay naga balan qaadeen inaanay hagran doonin mashraaciid iyo waxqabadka horumarineed ee dadku xaqa u leeyihiin si taas loo helana waxa saldhig u ah in la helo nabad galyo iyo is-afgarad labadaydii reer ee goob jooga ahayd waanu balan qaadnay wixii dan u ah ee dadka dawladu u soo wado in aanu anana nabad galino soona dhawayno kalana shaqayno. Waxa kale oo aanu madaxweynaha ka codsanay in hawsha Xudun ay dawladu ka gashay loo baahan yahay in laga galo degaanka Taleex iyo lana xoojiyo kuwa hada socda ee ka socda nawaaxiga Xudun iyo Taleexmadaxweynuhu uu naga aqblay. Waxa kale oo aanu ka balanay in aanay dhicin isku xoq danbe oo degaanada aanu ka soo jeedno dib uga dhaca haddii uu yahay mid siyaasadeed iyo haddii uu yahay mid kale oo fal danbiyeed ah wixii aanu ka qaban karno wada jir uga hortagno. Hawlaha diiwaangelinta waanu ka wada hadalnay waxa aanu ka codsanay”

Cuqaasha madasha goob jooga ka ahayd uu afkooda ku hadlayey Caaqil ka mid ahi ayaa nabadaynta beelaha walaalaha ah uga mahad sheegtay xukuumadda uu madaxweyne Axmed Siilaayo ka yahay madaxweynaha iyo wasiiradii Xudun u tagay qaboojinta colaada “Si wanaagsan ayey arrintaasi u dhacday aad iyo aad ayaa laysku af-gartay mahadaa illaahay ka sakow waxa iska leh xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Siilaanyo iyo afarta wasiir ee Xudun yimi. Arrimaha aanu ka wada hadalnay waxa ka mid ah xoojinta nabad galyadda, horumarinta mashaariicnta oo ay dadkaasi dib u dhaceen, meelaha kale ee shaqaaqooyinku ka jiraan wax ka qabadkooda oo dalwaduna ay gacan bir leh ku qabtay taa hada Xudun iyo Taleexka socota iyo ta Taleex oo iyadda lafteedu u baahan sidan oo kale in looga shaqeeyo intaaba balan ayaanu ku kala qaadanay”.

DSC_0093 DSC_0020 DSC_0030 DSC_0034 DSC_0005 DSC_0003

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.